daajis.com:- Meydka Wiil uu dhalay ra'iisal wasaarihii hore ee Dalka Kenya Raila Odinga, ayaa saakay laga helay gurigiisa oo kuyaala xaafada Karen ee magaalada Nairobi .
Fidel Odinga oo ahaa Curadkii carruurta uu dhalatay Raila Odinga ayaa saakay laga helay sariirtii uu xalay jiiftay , walina si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa geeridiisa, waxaana soo baxaya Warar is qilaafsan oo ku aadan Geerida Fidel Odinga .
Ciidamada dambi baraista Magaalada Nairobi ayaa wada baaritaano ay ku ogaanayaan sababta ka dambeysa Geerida Wiilka uu dhalay Ra'izul Wasaarihii hore ee Dalka Kenya, waxaana soo baxaya in la sumeeyay Ninkan inkastoo aan wali war cad laga soo saarin baaritaanada lagu wado.
Dhanka kale Madaxweynaha Kenya- Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Fidel Odinga , waxa uuna muujiyay madaxweynaha in ay aad uga murgooday marka uu maqlay geerida Wiilka uu dhalay Raila Odinga.
Fidal Odinga oo xalay geeriyooday ayaa warbaahinta kenya qaarkood waxey saaka qoreen in xiligii ugu dambeysay uu saaxiibadiisa kula sugnaa hotelka Sankara ee ku yaallo xaafada Westlands ee magaalada Nairobi isla markaasna ay cabitaano wada qaateen.
Tom Alila oo ka mid ahaa saaxiibadii uu cabitaanka kula qaatay hotelka Sankara, ayaa sheegay in Fidel uu ka cabanaayay calool xanuun, waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in Fidel uu xalay tagay gurigiisa abaaroo 1-dii habeenimo isla markaasna ay guriga ku sugneyd xaaskiisa.
Wiilka uu dhalay Hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka dalka Kenya ee CORD ayaa ahaa nin saameyn badan lahaa, waxa uuna aabhiis wiilan u diyaarinayay sidii uu uga badali lahaa Siyaasada uuna u gaari lahaa mansab sare oo dhinaca Siyaasada ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 13:25 and have
, Published at