daajis.com:- Ugu yaraan 45 ka tirsan al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar dhinaca cirka oo galabta ka dhacay tuulada Dugule ee gobolka Shabeelada hoose sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi, Cabdiqaadir Shiikh Maxamad Nuur (Siidii).
4270-full-soGuddoomiyaha oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ay hayaan xog ku saabsan khasaaraha uu geystay weerarka cirka, oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen saddex gantaal oo lala beegsaday goobo kala duwan oo uu ku jiray guri ay degenaayeen dagaalyahaniin ajnabi ah.
Waxaa kale oo uu sheegay in mid ka mid ah gantaallada uu ku dhacay kolonyo baabuur ah oo ay wateen al-Shabaab, halkaasi uu yiri waxaa ka soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac u dhaxeysa 45 ilaa 60.
Degaanka uu weerarku ka dhacay ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa Shabaabku ay gacanta ku hayeen dhawrkii sano ee ugu dambeeyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:03 and have
, Published at