Daawo:- P/land oo heshiis aan DFS ogeyn la gashay shirkado Macdanta baara

Daawo:- P/land oo heshiis aan DFS ogeyn la gashay shirkado Macdanta baara

daajis.com:-Maalinimadii shalay ayaa waxaa Puntland gaaray shirkado kasocda dalka China, maamulka Puntland ayaa sheegay in shirkadahaan ay maal gashi ku samayn doonaan gudaha dalka,balse aan la sheegin goobta iyo halka ay maal-gashanayaan Ajaaniibta lagu sheegey Wafti Ganacsato ah.

Sida ka muuqata sawiro laga soo qaaday ujeedada ay u tageen Puntland Ajaaniibta u dhashay China waa mid baal marsan hadalkii lagu sheegey wafti ganacsato ah oo maal-gashi ku samaysanaya gudaha deegaano ka tirsan Puntland, Iyadoona ay la xiriirto sababta ay halkaas u tageen sidii looga iibin lahaa dhuxul dhagax iyo macdanta laga baaro dhulka .


Waftigan oo ka tagey dalka Itoobiya ayaa warar soo baxaya sheegayaan inuu heshiis ku dhex marey xubno uu ka mid yahay Agaasimaha macdanta iyo batroolka iyo Ku xigeenka Agaasimaha waaxda baratakoolka Madaxtooyada Puntland sidii ay uga soo raran lahaayeen xeebaha Puntland iyo Dhulka Togaga ah dhagxaan laga dhigo dhuxul dhagax iyo Heshiisyo kale oo si suuq madow ah looga iibsado macdanta ku jirta dhulka.


Waxaana sida ka muuqata Sawirada ay ku mashquulsan yihiin dhamaan Ajaaniibta u dhashay dalka China ee ka tagey Itoobiya dhagaxa yaala xeebaha iyo togaga oo ka mid ah goobaha la geeyey ,xilli ay ku wehlinayaan Agaasimaha macdanta iyo Batroolka Ciise Dhoola-waa , Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, iyo Ku xigeenka Agaasimaha waaxda baratakoolka Madaxtooyada Puntland.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta ay doorkeeda u qaadan weysay Wasaarada Ganacsiga Puntland hadii uu run yahay hadalkii Xukuumadu ku sheegtey inay waftigu u yimaadeen Puntland arrimo la xiriira maal-gashi ganacsi Islamarkaana sababta keentay inay bedelkeeda kasoo muuqdaan sawirada xubno ka tirsan hay,addo aan u qaabilsanayn Puntland Arrimaha Ganacsiga ?







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada