daajis.com:- Dood dheer kadib oo xildhibaanada ay ka yeesheen codsigii dhaliyay buuqa iyo sawaxan kulankii baarlamaanka ka dhex dhashay ayaa ugu danbeyntii loo codeeyay in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid la siiyo 10 maalmood oo dheeraad ah si uu u soo dhameystiro xukuumadda cusub, isbadalna ugu sameeyo 20-ka wasiir ee uu dhowaan soo magacaabay, isagoo ku soo deri doono Shan Wasiir iyo Wasiir Kuxigeenadii iyo Wasiiru dowlayaashii.
Codka Xildhibaanada oo ahaa mid gacan taag ayaa waxaa fadhiga baarlamaanka xaadir ku ahaa 190 xildhibaan, waxaana HAA ku codeeyay 139 Mudane, 47 wey diideen, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.ansixin-baarlamaan
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa laga sugayaa in 20-ka Wasiir ee uu horay usoo magacaabay inuu kusoo daro 5 Wasiir, si uu ula jaanqaado Miisaaniyada dowladda oo ku jaan-go’ an 25 Wasaaradood, kuxigeenadooda iyo Wasiiru dowlayaal.
Waa markii labaad ee Ra’ iisul Wasaaraha uu codsaday mudo kordhin, iyadoo tallaabadaasi ay muujineyso cakirnaanta siyaasadda dalka Soomaaliya iyo meesha ay taagan tahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at