daajis.com:-Caruurtaan oo mudo Afar sano ah waalidiintii dhashay ay ka maqan yihiin ayaa laga helay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, kadib markii laga war helay in Hay’ ad Islaami ah mudadaasi xanaaneyneysay isla markaana kala soo wareegtay Kaniisad lagu haayay caruurtaan.
Caruurtaan oo markii hore waalidiintii dhalay ay gurigii ay degaaneeyeen ku dayaceen, kuna xereen albaabka guriga ayaa waxaa ka war helay booliska dalkaasi oo guriga kasoo saaray, kuna wareejiyay Kaniisad lagu xanaaneeyo caruurta.
Hase ahaatee, Hay’ ad Islaami ah ayaa dadaal u gashay sidii ay ula soo wareegi lahaayeen caruurtaan Soomaaliyeed ee Islaamka ah, waxayna Hay’ addan Islaamiga ah maxkamad la fuushay Kaniisadii lagu xanaaneynayay oo aakhirkii loo xukmay Hay’ addan Islaamiga ah in lagu wareejiyo maadaama Islaanimo ku dhasheen ayna yihiin.
Caruurta oo ay da’doodu kala tahay 11 sano 9 sano iyo 7 sano jir ayaa waxa ay sheegeen in ay markasta ku duceytaan in ay dib u arkaan waalidiintii dhashay waxa ayna farxad helaan markasta oo aan booqano iyagoo u heysta in qof kasta oo Soomaali ah uu yahay waalidkood.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at