Daawo Sawirada:- Al-Shabaab oo soo Bandhigtay Sawirka iyo Magaca ninkii Hogaaminayay Weerarkii ka dhacay Kampala

Daawo Sawirada:- Al-Shabaab oo soo Bandhigtay Sawirka iyo Magaca ninkii Hogaaminayay Weerarkii ka dhacay Kampala

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeesay waxa ay soo bandhigtay magaca iyo Sawirka ninkii Hogaaminayay weerar Dagaalyahano katirsan Al-shabaab ay ka geesateen Magaalada Kampala ee Dalka Uganda Bidhii june ee Sanadii 2010-kii.

Salmaan Al-muhaajir oo ah nin kasoo jeeda Dalka Kenya ayaa la sheegay in uu hogaaminayay Weerarkii qasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday Baar lagu daawanayay Finalka Ciyaarihii aduunka ee kasocday Dalka Koonfur Afrika, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad tiro badan .

Filim ay soo saartay mu’asasada warbaahineed ee Al-kata’ib. oo ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Muuqaalka ninkan oo hogaaminayay Guuto loogu magac daray Saalax Al-Nabhaan, kuwaa oo weerar ka geestay bishy July ee sanadii 2010-ka Magaalada Kampala.



Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay masuuliyada weerarkaasi ay ku dhinteen dad Ugaandees ah iyo kuwa kale oo kasoo jeeda Dalka Itoobiya, waxaana waxii xiligaasi ka dambeeyay si weyn loo adkeeyay amaanka guud Magaalada Kampala ee Caasimada Dalka Uganda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada