daajis.com:- Magaalada Kobani ee kutaala Xadka oo Dalka Siiriya la wadaago Dalka Turkiga waxaa ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Kurdiga iyo Dagaalyahanada Xoogaga Islaamiga ee Daacish.
Dagaalka kasocday Magaalada Kobani ayaa qaatay dhoor bilood ,waaana gudaha magaalada ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay ayna ku bur bureen dhismooyinkii magaaladaasi, waxaana sidoo kale jiray Duqeymo Diyaaradaha Mareykanka iyo xulufadiisa ay ka fulinayeen magaaladaasi gaar ahaan aagagii ay daacish ka dagaalamayeen.
Magaalada Kobani waxaa hada la wareegay oo maamulaya Xooga Kurdiyiinta, waxaana Magaalada dib ugu laabanaya dadkii ka barakacay qaarkood oo soo fiirsanaya guryahooda oo inta badan ku bur buray dagaalkii kasocday Magaaladaasi, waxaana Muuqaalka magaalada ay hada tahay mid aad looga naxayo sida ay u bur burtay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at