daajis.com:- Philip Godane, oo horay uga tirsanaa Baarlamanka Kenya, ayaa xalay kooxo hubeysan waxay ku dhex toogteen Gurigiisa.
Kooxo hubeysan oo burcad, ayaa la sheegay ineey xalay 2:00 Habeenimo u dhaceen guriga xilibaanka, islamarkaasna ay isku dayeen ineey dhacaan balse ay iska caabin la kulmeen taasoo keentay ineey xilibaanka toogtaan.
Philip Godane ayaa ahaa sayga ay u dhacdo Kule Galma oo ahayd guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinkii deegaannada xuduudaha dalka Kenya ku yaalla, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkan.
Dilkan ayaa wuxuu deegaanka Syokimau ka abuuray xiisad kacsanaan ah; iyadoo shacabku ay dibadda u soo baxeen, xilli ay ka cabanayaan inay xaaladda ammaan ee deegaankoodu noqotay mid aad u sii xumaanaysa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:13 and have
, Published at