daajis.com:- Maalmaha soo socda ma jiri doono wax jaad ah ama qaad ah oo ka iman doono dalka Kenya,kaaso maalin walba la keeni jiray deegaannada Puntland,sida waxaa u sheegtay Raxanreeb,Barni Jaamac Maxamed (Barni Jaqalood). Waxaa la sheega ilaa $300,000 oo dollar in maalin walba ay ka aadi jirtay Puntland,dalka Kenya maaddama dhowr diyaaradood oo jaad ah ay subax walba ka soo dagi jireen garoomada diyaaradaha Puntland. Ganacsatada jaadka ayaa hadda go’aan ku gaaray in la hakiyo jaadkii ka iman jiray Kenya,iyagoo dhowr arrimood u sababeeyay.
“Sababta an jaadka u hakinay maalmaha soo socda waxaa ay tahay,hoosu dhac dhaqaale oo ku yimid ganacsatadii qaadka la soo dagi jirtay,canshuurta dowladda Puntland ay ka qaadaysay oo siyaaday,diyaaradaha keeni jiray oo lacag badan hadda lugu kireeyo,arrimahas oo dhan ayaa is biirsaday,taas waxaa dheer qaad an wanagsaneyn in beeraha Kenya laga keeno,marka hadda waan ha kinay,”sida waxaa u sheegtay Raxanreeb,Barni Jaamac Maxamed (Barni Jaqalood) oo ka mid ah ganacsatada jaadka Puntland keeni jirtay muddo dheer.
Barni Jaqalood waxaa ay ugu baaqday dowladda Puntland inay wax ka dhinto lacagta canshuurta ah ee ay ka qaado ganactasada jaadka,sidoo kale waxaa ay usoo jeedisay beeraleyda qaadka inay dhimaan lacagta saa’idka ah ee ay dul saaren jaadka ka soo go’aya beerahooda.
Ganacsatada ugu weyn jaadka ee Puntland ayaa saldhigoodu waxaa uu yahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,taaso ku taalla bartamaha dalka,waxaana la sheegay si wada-jir ah inay u go’aansadeen in la joojiyo jaadka maalmaha ina soo aadan. Go’aanka ay ganacsatada ku joojisay jaadka ayaa si dhaqso ah waxaa aragtiyo kala duwan uga dhiibtay dadweynaha Puntland,kuwaaso labo siyaabod uga hadlay qaarkood waxay sheegeen inuu yahay midwanagsan go’aanka,halka kuwo kalana ay u arkan go’aan an qurxooneyn. “Waxaan ku sheegi kara,jaadku waa maandooriye khatar ku ah nafta qof walba oo isticmala,haddana waxuu dib u dhac ku ridey dhallinyaradii oo wada isticmalaysa,taas waxaa dheer dhaqaalo badan ayaa ku baxda,marka waan soo dhaweyn,waxaana ku farxi lahaa dhammaan inuu istaago,”Sida waxaa u sheegay Raxanreenb Cali Cismaan Axmed oo ka mid ah ardeyda wax ka barata jaamacaddaha Gaalkacyo.
“Aad ban uga nax-nay go’aanka ay ganacsatada jaadka ku joojiyeen,waayo anniga carruur agoon ah ayaan ku biila oo an nolashooda ka soo saara,marka haddii la joojiyo way adkan si an ku maariyo nolasha 8 carruur ah oo an dhalay,”sida waxaa u sheegtay Raxanreeb Hooyo Maryan Maxamed oo ka mid ah ganac-satada yar yar ee jaadka ku gada hareeraha jidka laamiga ah ee magaalada Gaalkacyo. Haddii la joojiyay jaadkii ka soo go’ jiray beeraha Kenya ma aha in la waayi doono wax ay daaqan,jaadleyda waayo go’aankan waxuu fursad siin doono maalmaha soo socda Jaadka ka yimada dhanka Itoobiya oo aan suuq badan ku lahayn Puntland sannadihii ugu dambaysay.
Puntland waxaa soo gaaray maanta ninka sida weyn uga soo horjeeda qaadka ee lugu magacaabo,Abuukar Cawaale, (Qaaddiid),waxaana go’aankan mar la is oran-kara waxuu qayb ka yahay soo dhaweyn maanta loogu sameeyay Garoowe.
Qaad-diid door kuma leh go’aanka qaadka Puntland iman-jiray uu ku istaagay,waana mid ka soo go’ay maskaxda ganacsatada keeni jirtay oo danahoodi ka waayay hadda. Warkan waxii ka soo cusboonada waan idin soo gudbin doonna
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:23 and have
, Published at