Daawo Video:- Hay’adda Nabad Sugida oo Soo bandhigtay Magacyada Dadkii weeraray Central Hotel

Daawo Video:- Hay’adda Nabad Sugida oo Soo bandhigtay Magacyada Dadkii weeraray Central Hotel

daajis.com:- Hay’adda Nabad-sugidda qaranka ee Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in laba qof oo Soomali ah oo heystay dhalashada dalka Netherlands ay fuliyeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay hotel Central ee magaaladda Muqdisho.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa qortay in NISA ay aamminsan tahay inay weerar fuliyeen Ismaaciil Muuse iyo Luul Axmed Daahir oo heystay dhalasho Netherlands.




Warka ayaa intaas ku daraya in Ismaaciil Muuse uu isku qarxiyay Bom lagu xiray gaari yiilay gudaha hotelka, halka Luul Axmed Daahir-na ay isku qarxisay masjidka gudihiisa.
Haweeneyda ayaa muddo afar bilood ah ka shaqaynaysay hotelka, sida ay qortay AFP oo xiganaysa hay’adda Sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA.

Warbixinta ayaa lagu xusay in aan la hubin in ay is qabeen ninka iyo naagta, hase yeeshee uu ka dhexeeyay xiriir gaar ahaaneed.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay 25 qof oo ay ku jireen laba xildhibaan iyo ku-xigeenkii duqa magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay reysal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte.Kooxa Al-Shabaab ayaa ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada