Ururka Al Shabaab oo soo bandhigay Sawirka Axmed Godane iyo Rag kale (VIDEO)

Ururka Al Shabaab oo soo bandhigay Sawirka Axmed Godane iyo Rag kale (VIDEO)

daajis.com:- Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay markii ugu horeysay Video uu ka soo dhexmuuqday amiirkii Al shabaab ee Axmed Godane oo ku magacdheeraa sheekh Muqtaar Abuu Zubayr oo ku dhintay duqeyntii diyaaradaha drooniska ee Dalka Maraykanka.

Al shabaab ayaa waxa ay Soo bandhigtay Video soconaya in ka badan hal saac waxaana Video-gu ka sheekeeynayay weerarkii sanadkii tagay lagu qaaday xarunta Ganacsiga Wesragate ee Magaalada Nairobi.


Qaybta kale ee filinka ayaa ka hadlaysa weerarkii shabaab ay ku qaaday Magaalada Kampala halkaasi oo ay ku dhinteen 76 qof sida Ay sheegatay Dowladda Ugandha.


Salmaan Almuhaajir oo ah Kenyaan Muhaajir ah ayaa kasoo muuqday Isla Video-ga kaasi oo ahaa fuliyihii weerarkii Kampala. iyo ugu danbayntii waxaa Sawirkiisa oo caadiga ah lasoo bandhigay Saalax Alnabhaan oo isagana ku naf waayay duqeyntii dhacday sanadkii 2009.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada