daajis.com:- Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliyeed,ayaa soo jeediyay in Ra’iisul Wasaaraha laga dhaafo fara gelinta ku aadan qaab dhismeedka Xukuumadda cusub iyo habka uu doonayo inuu u soo xulo Wasiirada.
“Waxaa u arkayaa in Ra’iisul Wasaaraha wixii qaladaad ee horay u jiray, ama culeys ha noqoto ama fara gelin ha noqoto, in meelo kale isaga ay ka heystaan ayay ila tahay oo arrimo aan anaga inoo soo bandhigi karin ay yihiin ayaa dareemeynaa”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.
Xilibaan Dalxa, ayaa sidoo kale ku taliyay in Ra’iisul Wasaaruhu howshiisa loo madax banaaneeyo, si uu u qaado mas’uuliyadda dadka uu soo xusho hadii ay wax qaban waayaan.
“Waxaa baaqeena raacineynaa hadii ay jiraan cid isaga fara gelin ku hayaan inay ka daayaan oo uu howshiisa u madax banaanaado, Umadda waxay ka sugeysaa Xukuumad wanaagsan, dadka uu keeni doono mas’uuliyaddooda isaga xambaari kara, hadii berri xil gudasho la’aan la yimaadaan oo ay howlihii loo igmadan gudan waayaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Dhalxa.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa heysta culeysyo dhinacyo badan oo kan ugu weyn yahay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo labo jeer oo hore ku hor-kufay Baarlamaanka, markii Xukuumad uu soo dhisay uu la laabtay, waxaana haatan uu heystaa muddo 10-cisho uu ku soo dhameystirayo Xukuumadda uu soo magacaabay 27-kii bishii hore ee aan wali kalsoonida ka helin Baarlamaanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at