Madaxweynaha Jabuuti oo goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Madaxweynaha Jabuuti oo goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho

daajis.com:- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaano iyo mas’uuliyiin.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhagax dhigi doono xarunta Akadeemiyad goboleedka afka oo xaruntiisa noqon doonto magaalada Muqdisho, waxaana uu ka qeyb geli doonaa Munaasabada Maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo oo ka dhaceysa Hotelka City Palace.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wafuud badan oo ka socota dhulalka afka Soomaaliga looga hadlo ay munaasabadan ka qeyb geli doonaan.

Qaban qaabada Munaasabada ayaa ka socoto Hotelka City Palace, halkaasoo lagu xardhay waxyaabaha dhaqanka u ah Soomaalida, sidoo kale sawirka Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku dhegan.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah mid gebi ahaanba saaka xiran, sidoo kale waxaa xiran wadada hor marta Madaxtooyada ilaa hotelka City Palace oo ay Munaasabada ka dhici doonto, waxaana jira feejignaan dheeri ah oo ay Ciidamada sameynayaan.


Booqashadan ayaa ah tii labaad oo uu Muqdisho ku yimaado Madaxweynaha Jabuuti, iyadoo bishii Agosto ee sanadkii 2011 uu horay u yimid Caasimada Soomaaliya, xilligaasoo ay ku soo barakaceen kumanaan qoysas oo abaaro iyo macluul uga soo cararay Gobolada dalka.


Imaanshaha Madaxweynaha Jabuuti ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay magaalaa Muqdisho uu ka dhacay qaraxyo mataano ahaa oo lala beegsaday Hotelka Central, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20-ruux, halka tiro kontan kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada