Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal qoraal ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Britain

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal qoraal ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Britain

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal qoraal ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron.Dhambaalkaas oo ku saabsanaa taageeraada Britain iyo beesha caalamka u hayso Soomaaliya, ayaa waxaa madaxweynaha soo gaarsiiyey Danjiraha UK u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan.

Ra’’iisul Cameron ayaa warqaddiisa ku xusey in Britain ay weli ka go’an tahay in Soomaaliya gacan laga siiyo xaqiijiinta Hiigsiga 2016.

“Mudane Madaxweyne kulankii aan ku yeelaney New York markii uu socdey shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxaan kuu xaqiijiyey inay naga go’an tahay xaqiijinta Hiigsiga 2016, waxaana haatan kuu caddeynayaa in weli ay taasi naga go’an tahay, isla markaana aan qirayo in wax badan la qabtey tan iyo bishii September 2012’’, ayuu warqaddiisa ku xusey Ra’iisul Wasaare Cameron.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sheegay in walow guulahaasi la gaarey, hadana ay jiraan qodobo muhiim ah oo la doonayo inay Soomaaliya xoogga saarto si loo xaqiijiyo fulinta Hiigsiga 2016-ka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, doorashooyinka, la dagaalaanka musuqmaasuqa, amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Dhanka siyaasadda ayaa Ra’iisul Wasaare Cameron waxaa uu xusey muhimadda wadashaqeynta madaxda Soomaalida, isagoo dhanka kalena ku amaaney Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka sameysey dhismaha maamullada gobollada, balse loo baahan yahay in la sameeyo wadaxaajood wax ku ool ah oo la isla meel dhigo qaabka awoodaha iyo qeybsiga kheyraadka.

Waxaa kale oo uu Ra’iisul Wasaarha Britain ka codsadey dowladda Soomaaliya inay qaaddo talaabooyin loogu diyaargaroobayo doorashooyin waddanka ka dhaca oo dimoqraadiyadeed sannadka 2016-ka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada