VIDEO:- Madaxweyne Shariif Xasan oo Willium Ruto ku booqday Xafiiskiisa

VIDEO:- Madaxweyne Shariif Xasan oo Willium Ruto ku booqday Xafiiskiisa

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xafiiskiisa ku booqday madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Wilium Ruto.

Shariif Xasan ayaa Wilium Ruto kala hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira Siyaasada Maamulkiisa, waxa uuna balanqaadyo ka helay Dowlada Kenya.

Wilium Ruto ayaa sidoo kale, Shariif Xasan u balanqaaday inay dhisi doonaan Ciidamada maamulka, islamarkaana ay garab xoogan siin-doonaan maamulka cusub.

Kulanka Shariif Xassan iyo Wilium Ruto, ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Tani ayaa ka turjumeyso in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku socdo talaabo xoogan oo ay kula tartamayaan Maamulada kale ee ka jira dalka, walow inta badan ay qaadan talaabooyin aysan la socon DF Somalia.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada