daajis.com:- Kooxda Boko Haram ayaa la sheegay in ku dhowaad 64 ruux ku dileen tuulo ka tirsan Gobolka Borno ee waqooyi bari Nigeria, iyagoo dab qabadsiiyay guryihii ku yaalay tuuladaas.
Dad ka bad baaday weerarkan ayaa sheegay in dableyda ka tirsaneyd Boko Haram ay soo galeen Tuulada Njaba, dabadeedna ay bilaabeen inay beegsadaan ragga
Weerarkan ayaa dhacay subaxdii hore ee Talaadadii, inkastoo aan si deg deg ah looga soo warbixin weerarkan, maadaama deegaanka uu ahaa mid fog oo aan isgaarsiinta ku wanaagsan
Boko Haram ayaa kumanaan ruux ku dishay weeraro ay ka geysatay waqooyi bari Nigeria, iyadoo magaalooyinka waqooyiga ku yaal ay ka jiraan degenaansho iyo cabsi.
Tuulada Njaba ayaa ilaa 100km koofur ka xigta Caasimada Maiduguri, halkaasoo tiro dhowr jeer ah ay weerartay Boko Haram.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada Nigeria ay wadaan dagaal ka dhanka ah Boko Haram, waxaana dagaalka qeyb ka ah ciidamo ka socda wadamada deriska ah sida Cameroon, Chad iyo Niger.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at