Hogaamiyihii Jabhada Al-Nusra ee ka dagaalanta Suuriya oo lagu dilay weerar cirka ah

Hogaamiyihii Jabhada Al-Nusra ee ka dagaalanta Suuriya oo lagu dilay weerar cirka ah

daajis.com:-  Hogaamiyihii Garabka Milateri ee Jabhada Al-Nusra ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Suuriya ku qaaday Gobolka Idlib.

Sida lagu shaaciyay baraha bulshada hogaamiyaha la dilay oo lagu magacaabo Abuu Xumaam Al-Shami ayaa lala dilay saddex hogaamiye kale.

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa soo wariyay in Ciidamada Suuriya ay bartilmaameedsadeen goob uu shir uga socday hogaamiyeyaasha Jabhada Al-Nusra

Al-Nusra oo ka mid ah xoogaga hubeysan ee ka dagaalamaya Suuriya ayaa loo arkayay mudooyinkii u dambeeyay inay xiriir dhow la lahaayeen Al-Qaacida

Sidoo kale Al-Nusra ayaa magacawday saddex hogaamiye kale oo lagu dilay duqeyntii Khamiistii, kuwaasoo lagu kala magacaabayay Abu Musab Falastini, Abu Omar Kurdi iyo Abu Baraa Ansari.

Arbacadii la soo dhaafay ayay Jabhada Al-Nusra ku qaaday weerar xarun sirdoonka ee ciidamada cirka ku leeyihiin magaalada Aleppo, halkaasoo uu bur bur xoogan uu ka dhashay.


Mareykanka ayaa horay ugu daray liiska Ururada Argagixisada ururka Al-Nusra, inkastoo warar soo baxayay ay sheegayeen in kooxdan ay raadineysay sidii ay dib ugala noqon laheyd xiriirka ay la leedahay Al-Qaacida.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada