Thiago Silva oo goomanka laga madoobeeyay + Sawirro from Gool FM by Raage

Thiago Silva oo goomanka laga madoobeeyay + Sawirro from Gool FM by Raage

daajis.com:- Kabtanka Paris Saint-Germain ee Thiago Silva ayaa jamaahiirta tusay muuqaal muujinaya in goomanka laga madoobeeyay kulankii ay 2-0 kaga turuf roonaadeen Monaco si ay u gaaraan nus-dhamaadka Coupe de France habeenkii xalay ahaa.

Silva ayay jugtu kasoo gaartey qanaaskii hore ee Manchester United, Fulham iyo Tottenham Hotspur ee Dimitar Berbatov oo xanuunkaa baday laaacibkan dambeedka buuxa ka difaac galay, balse isaga ayaa qosolka ku dambeeyay.

PSG ayaa quud darraynaysa inay qaaddo sedexleey maxalli ah iyadoo goolasha uga mahadcelinaysa David Luiz iyo Edinson Cavani, wuxuuna Silva sawirradan soo dhigay boggiisa Instagram-ka.

Silva ayaa kabshan uu soo qoray wuxuu u akhrismayay: ‘Waa ku mahadsan tihiin farriimaha! Waxaan ku dhihi lahaa asxaabta iyo taageerayaasha waan fiicnahay! Marka waxaan qabaa barar yar iyo bar madoow, balse aan xanuun lahayn!’





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada