Burcad badeed Soomaali ah oo afduubatay 2 markab oo laga leeyahay dalka Iran

Burcad badeed Soomaali ah oo afduubatay 2 markab oo laga leeyahay dalka Iran

daajis.com:- Burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ka afduubteen xeebaha Soomaaliya labo markab oo laga leeyahay dalka Iran.

Afduubkan oo la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Ceel Huur ee gobolka Mudug ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhacda xeebaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012-kii.

Xafiiska Daroogada iyo dambiyada ee Qaramada Midoobay oo xaqiijiyay afduubkan ayaa sheegay in maraakiibtaasi ay saarnaayeen 48 shaqaale ah, ayna si sharci darro ah uga kaluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya.

Xilligii ugu darneyd ee burcad badeednimada oo ahayd sanadkii 2011kii ayaa waxaa la afduubtay 28 markab waxaana uu hoos u dhac ku yimid afduubashada kadib markii ciidamada badda oo ka socda wadamo badan ay ilaalo ka noqdeen maraakiibta marta xeebaha Soomaaliya.

Hase yeeshee dadka ku takhasusay cilmiga badaha ayaa sheegaya in hoos u dhaca ku yimid burcad badeednimada ay sababtay in ay kordhaan maraakiibta sida sharci darrada ah uga kaluumaysata xeebaha Soomaaliya, taasina ay sababikarto in markale burcad badeedu ku dhiirato badda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada