Video :- Warshadii Shamiintada Soomaaliya ee Berbera oo loo iib geeyay Itoobiya

Video :- Warshadii Shamiintada Soomaaliya ee Berbera oo loo iib geeyay Itoobiya

daajis.com:- Boob xoogan ayaa lagu hayaa haraadigii Warshadii Shamiintadii Soomaaliya ee Berbera, iyadoo ganacsato reer Somaliland ah oo ruqsad ka haysta maamulka Somaliland ay ku howlan yihiin u iib geeynta dalka Itoobiya, iyadoo qaar ka mid ahba loo Seddax bil ka hor loo qaaday Itoobiya

Warshadii Shamiindada oo dhowr qeybood ka kooban ayaa ilaa hada waxaa la burburiyay isla markaana qeyb qeyb loo jar jaray warshadihii sameyn jiray Jiinkada, tamaashiirta dugsiyada waxbarasho iyo qeybta sameyn jirtay shamiintada ee loo yaqiinay kuuriyada.

Jar jarista warshada shamiintada oo loo adeegsaday sunta dabka oxygen ee biraha, waxaana si xowli ah loogu rarayaa gawaarida xamuulka qaada oo usii gudbiya dalka Itoobiya.






Halkaan Hoose ka Daawo


Ilaaliyeyaasha Warshada shamiintada Berbera ayaa ku waramay in ilaa iyo hadda 31 tan oo biro qaali ah loo iib geeyay dalka Itoobiya, ilaa welina ay socoto.

Muuqaalka Waxbarashada iyo birihii qaaliga ah oo la baabi’ay halkan ka daawo warbixin uu ka diyaariyay Telefishinka Somali Chanel.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada