Ciidamada Amisom oo Maanta Lagu Wado inay Gaaraan Magaalada Cadaado

Ciidamada Amisom oo Maanta Lagu Wado inay Gaaraan Magaalada Cadaado

daajis.com:- Ciidamo aad u hubaysan oo oo ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay ka amba baxeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Magaalada Cadaado, ayaa waxaa lagu wadaa inay marti-geliso Shirka Maamul u Samaynta Gobolada Dhexe (Mudug iyo Galgaduud).

Dowladda Soomaaliya ayaa balanqaaday inay goobta shirka lagu qabanayo ay geyndoonto ciidamo ka socdo Amisom, kuwaas oo dhexdhexaad ka ahaan doona doorashooyinka ka dhacayo magaaladaas.

U Qaybsanaha Dhinaca Ammaanka ee Guddiga Farsamada Cawke Xaaji C/raxmaan, ayaa sheegay in maanta ay Ciidanka Amisom soo gaari doonaan Xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb ee Cadaado.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada