daajis.com:- Xilli khilaaf uu ka dhex taagan yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax iyo Gudoomiyaha Magaalada Baladweyne Maxamed Cabdi Cismaan (Macalin Qalaafow), ayaa waxaa khilaafkooda ka hadlay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee Gobolka Hiiraan ka soo jeeda, ayaa sheegay in masuuliyiintaasi ay xilalka ka qaadi doonaan, haddii aynaan heshiis ka gaarin khilaafka ka dhex tolan.
“Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo kan Baladweyne, xilka waan ka qaadeynaa, haddii aysan heshiinin. Haddii ay heshiin waayaan labadaba waala bedelayaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo la hadlay Warbaahinta gudaha.
“Khilaafkoodu waa uu soo noq noqday, waxaana leesku hayaa waa arrimo dhaqaalo. Dhaqaalaha wuxuu Gobolka Hiiraan ka soo galaa ilaa afar meelmood oo kala ah, Garoonka Diyaaradaha, Isgoyska Kalabeyrka, Suuqa Xoolaha iyo Hay’adaha Gobolka ka hawlgala.” Ayuu yiri Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.
“Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee Gobolka Hiiraan ka soo jeeda, waxay go’aan cad ka qaadan doonaan labadaasi masuul ama wax haka qabteen khilaafka u dhaxeeya.” Ayuu sii raaciyay Mudane Jeesow.
Macalin Khalaafow, ayaa Isniintii Gudoomiye Afrax ku eedeeyay in ciidankiisa ay soo weerareen hoyga uu ka degan yahay Magaalada Baladweyne, ayna khatar geliyeen noloshiisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at