daajis.com:- Dowlada Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida Sargaal sare oo katirsanaa Xarakada Al-Shabaab , kaa oo lagu dilay Duqeyn dhinaca Cirka ah oo jimcadii lasoo dhaafay ka dhacday Deegaan katirsan Gobolka Gedo.
Wasaarada Gaashanadhiga Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Gantaal laga soo riday mid kamid ah Diyaaradahooda dagaalka lagu dilay Aadan Garaar oo kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa Xarakada Al-Shabaab.
Warka kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhoor gantaal oo laga soo riday Diyaaradahooda dagaalka ay ku dhaceen kolonyo la socotay Aadan Garaar oo Muhiim u ahaa Xarakada Al-Shabaab .
Aadan Garaar ayaa la tilmaamay in uu katirsanaa Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab, waxaana kooxda uu u qaabilsanaa diyaarinta Weerarada dalka Soomaaliya ka baxsan, waxaana lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Westgate Mall ee Magaalada Nairobi.
Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Dilka Aadan Garaar oo ahaa sargaal sare iyo dilal kale ay dhawaan u geesteen Saraakiil kale oo katirsanaa Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab uu niyad jab ku keenay kooxda .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at