daajis.com:- Kooxo ku hubeesan qoryaha gacanta ee AK-47 ayaa weerar qasaaro kala duwan dhaliyay ku qaaday Maqaayad caan ah oo kutaala magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay Weerarka Dableyda hubeesan ku qaadeen Maqaayada kutaala magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dhoor qof kale oo xaaladooda hada lagu baxbaaninayo Goobaha caafimaadka.
Kooxihii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday Maqaayada kutaala magaalada Gothenburg ayaa la sheegay in ay baxsadeen, waxaana Ciidamada booliiska magaaladaasi ay baadi goob ugu jiraan soo qabashada ragii weerarka ka dambeeyay.
Saraakiil u hadlay laamaha amaanka Dalka Sweden ayaa sheegay in weerarkan uusan u muuqan mid argagaxiso , waxa ayna intaa raaciyeen in weerarkaasi ay tuhmayaan in uu yahay mid la xariira falal burcadnimo ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at