daajis.com:- Ciidamo kasocda doowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti qeybna ka ah howlgalka AMISOM, ayaa la markii ugu horeeysay la geeyay magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud.
Xoogaga Ahlusuna Wal-jameeca ayaa shalay gelinkii dambe is hor-taag ku sameeyay ciidamada Jabuuti, inkastoo markii dambe loo ogolaaday inay galaan.
Ciidamada Jabuuti oo ku hubeysnaa gaadiidka dagalka ayaa ka soo baxay magaalada duleedka magaalada Beledweyn oo ay saldhig ku leeyihiin.
Ciidamadan ayaa horu dhac waxay u yihiin wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo lagu wado in maanta uu gaaro Guriceel.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at