daajis.com:- Shir maalmahan ugu socday Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa maanta soo gabagabooway, iyagoo soo saaray 15 qodob oo ay labada dhinac ku heshiiyeen.
Qodobadaasi ay ku heshiiyeen Puntland iyo Jubba ayaa qeyb ka ah in mowqif mideysan ay ka qaataan arrimaha Federalismka, hirgelinta hiigsiga cusub ee 2016, dhaqan gelinta qodobada ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah, in mucaawanooyinka lagu helo magaca Soomaaliya si dheelitiran loogu qaybiyo degaanada Soomaaliya iyo in labada dhinac si wada jir ah u sameystaan golle ka shaqeeya xiriirka labada dhinac.
Qodobadan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah dhinaca amaanka, ganacsiga iyo qodobo kale, waxaana halkan hoos idin kugu soo gudbineynaa nuqul ka mid ah oo xafiiska Warfaafiye lasoo gaarsiiyay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:49 and have
, Published at