daajis.com:- Kooxda Daacish ayaa mar kale baraha ay Internetka ku leeyihiin waxa ay ku baahiyeen Muuqaal Video iyo sawiro muujinaya nin dhalinyaro ah oo ay xatooyo ku eedeeyeen oo goob fagaare ah gacanta looga jarayo.
Ninkan ay gacanta ka jareen Kooxda Daacish waxaa soo qabtay ciidamo katirsan Kooxdaasi oo ka howlgala Gobolka Raqa ee Dalka Siiriya, waxaana maxkamad la horgeeyay ninkan oo Kooxda leedahay ay ku xukuntay in gacanta laga jaro maadama uu fal xatooyo ah sameeyay.
Goobta xukunka gacan goynta ah ka dhaceysay waxaa ku sugnaa dadweyne aad u badan kuwaa oo daawanayay sida xukunka u dhacayay, waxaa siodoo kale goobta joogay ciidamo iyo saraakiil katirsanaa Kooxda Dacaish.
Daawo Sawirada:
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:30 and have




