Daawo sawirada:- sanadguurada 91aad ee dhalashada Madaxweyne Mugabe oo la qalay maroodiyo

Daawo sawirada:- sanadguurada 91aad ee dhalashada Madaxweyne Mugabe oo la qalay maroodiyo

daajis.com:- Madaxweynaha ugu cimriga dheer dunida ee Robert Mugabe oo ah 91jir ayaa xaflad lagu maamuusayay sanadguurada dhalashadiisa ka dhacday dalka Zimbabwe iyadoo mucaaadka dowladiisana ay cambaareeyeen qarashka xad dhaafka ah ee lagu bixiyay xafladan.

Iyadoo ay caawinaysay xaaskiisa Grace ayaa odayga waayeelka ah waxaa ka soo muuqday xafladan isagoo xiran isku jog madow waxaana uu samada u tuuray 91 buufin.

Xafladan oo la dhigey toddobaad kadib xilligii uu dhashay Mugabe ayaa waxaa lagu gowracay maroodiyo iyadoo halkaa lagu soo bandhigay doolshooyin waaweyn.

Qudbad qaadatay 90 daqiiqo oo uu jeediyay Mugabe ayaa waxa uu ku eedeeyay dowlada Maraykanka cunoqabataynta ay shaqsi ahaan iyo guud ahaan dalka Zimbabwe. Qarashka badan ee sanad walba ku baxa sanadguurada dhalashada Mugabe ayaa ah mid khilaaf xoog leh sii dhex dhiga mucaaradka iyo xukuumadaba.

Madaxweynaha Zimbabwe Mugabe ayaa xukunka dalkiisa hayay tan iyo sanadkii 1980 oo ah xilligii wadanka Zimbabwe uu ka xoroobay Ingiriiska.Caafimaadka Mugabe ayaa ah haatan mid wanaagsan waxana dad badan ay isweydiinayaan xilliga uu xukunka ka degayo.

2 Maroodi ayaa la toogtay kadibna la qalay iyadoo ay ku qadeeyeen dad gaaraya 20.000 oo ruux waxana la sheegay in maroodiyada ay ahaayeen hadiyad uu ugu deeqay madaxweyne Mugabe nin beeralay ah, Ninkan beeralayga ah ayaa sidoo kale siiyay madaxweynaha libaax iyo yaxaas.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada