Daawo Sawirada Wasaarada Arimaha Gudaha oo Balcad ka bilowday Wacyi galin ku aadan Sameynta Golayaasha Deegaanka

Daawo Sawirada Wasaarada Arimaha Gudaha oo Balcad ka bilowday Wacyi galin ku aadan Sameynta Golayaasha Deegaanka

daajis.com:- Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe waxa ay ka bilowday wacyigalin ku aadan samaynta goloyaasha deegaanka dagmadaasi.


Wafdi kasocda Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka uu hogaaminayo Agaasimaha Xiriirka Wasaaradda Mudane Abdifatah Ali Hassan ayaa shalay gaaray Degmada Balcad, waxa ayna la kulmeen Masuuliyiinta Maamulka Degmada iyo dadweynaha ku dhaqan Degmada Balcad.

Munaasabad ka dhacday Degmada Balcad ayey ka sheegeen Masuuliyiinta kasocotay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka ujeedka ay uyimaadeen Degmada iyo qorshahooda la xariira wacyigalinta ku aadan samaynta goloyaasha deegaanka dagmadaasi.


Agaasimaha Xiriirka Wasaaradda Mudane Abdifatah Ali Hassan oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Degmada Balcad ayaa sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha ay wado wacyigalin la xariira sidii loo sameyn lahaa Golayaasha Deegaanka Degmadaasi kuwaa oo iyana dooran doona Gudoomiyaha Degmada iyo kuxgeenadiisa.

Waxa uu xusay Agaasimaha in Degmada Balcad lagu qaban doono shir dib u heshiisiin ah ay isugu imaan doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaa oo ugu dambeyn dooran doono 21-xubnood oo ah golayaasha Deegaanka oo iyagana sii dooran doona Gudoomiyaha Degmada iyo kuxigeenadiisa.


Mudane Abdifatah Ali Hassan , ayaa sidoo kale sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka ay mashaariicyo kala duwan ka fulin doonto Degmada Balcad sida in dib u dhis lagu sameeyo xarumihii Dowlada , xarumaha Waxbarashada iyo goobo kale oo Muhiim ah.

Shacabka Degmada Balcad ayaa si weyn ugu riyaaqay Wafdiga kasocda Wasaarada Arimaha Gudaha ee u yimid, waxa ayna soo dhaweeyeen in Degmada Balcad ay yeelato maamul ay dadkooda raali ka yihiin oo iyagu ay doorteen.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada Balcad C/Laahi Maxamed Xasan (Tiitow) oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan in Reer Balcad ay iyagu doortaan dadka hogaaminaya, waxa uuna tilmaamay in maamulkooda diyaar u yihiin in xilka ku wareejiyaan cidi ay Bulshada Balcad kunool soo doortaan , waxa uu intaa raaciyay hadii iyaga la doortana ay shaqeyn doonaan hadii aan la doorana ay taageri doonaan cidii la doorto


Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa wada wacyi galin la xariirta sidii Degmooyinka iyo Gobolada Dalka loogu sameyn lahaa goloyaal deegaan si ay u dhacdo in bulshada kunool Degmooyinkaasi ay iyagu u doortaan cida hogaamineysa.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada