Diyaarad ku shaqeyneysa Ileyska qoraxda oo ka duushay magaalada Abu Dhabi

Diyaarad ku shaqeyneysa Ileyska qoraxda oo ka duushay magaalada Abu Dhabi

daajis.com:-  Diyaarad ku shaqeyneysa ileyska qoraxda ayaa si tijaabo ahaan uga duushay magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta, iyadoo diyaaradan oo lagu magacaabo Solar Impulse-2 ay tahay tii labaad oo nooceeda la soo bandhigo.

Diyaaradan ayaa leh hal kursi kaliya, iyadoo baalashana ay uga xiran yihiin qalab soo jiidaya ileyska qoraxda, sidoo kale waxaa diyaaradan la filayaa in shanta bilood ee soo socota ay isaga gooshto qaaradaha aduunka oo ah oo ay dul marto Labada badweyn ee Pacific-ga iyo Atlantic-ga.

Inkastoo sanadkii 2013 diyaarad ku shaqeysa ileyska qoraxda oo la yiraahdo Impulse-1 lagu soo bandhigay Mareykanka, hadana diyaarada lagu soo bandhigay Abu Dhabi ayaa ka duwan taas

Labo nin oo u dhashay dalka Switzerland oo lagu kala magacaabo Bertrand Piccard iyo Andre Borschberg ayaa lahaa fikrada diyaaradan, waxayna markiiba si tijaabo ah u duuliyay.


Inta ay ku jiraan safarkooda, waxa ay ku degi doonaan dalal kala duwan, iyaga oo gudbin doona fariin ku aaddan isticmaalka tiknoolajida nadiifka ah ee aan deegaanka waxyeeleyneyn.

Diyaaraddan cusub ayaa leh baalal balaceedu gaarayo 72 mitir, halka culeyskeeduna dhanyahay 2.3 tan, kaasoo in badan ka fudud diyaaradaha caadiga ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada