daajis.com:- Warar gaar ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ay afduub kula dhaqaaqen Marwadii Abu Usaama oo kamid ahaa saraakiishii ku dhimatay dagaalkii ay Maleeshiyadu ku dileen Abuu Mansuur Al-Amriiki.
Afduubka Marwadaani ayaa waxa uu ka dhacay tuulada lagu magacaabo meel u dhow Kunyo-Barrow, iyadoona haweeneydaas magaceeda lagu sheegay haweeneydaasi Wardo.
Talaabadaani ayaa waxa ay imaaneysaa, xili Asbuuc ka hor ay Amniyaadka Maleeshiyada afduub ceynkaasi ah kula dhaqaaqen ilaa Seddex marwo kale oo ay horay uga geeriyooden Saraakiil kale oo Kooxda ka tirsan, balse markii dambe u go’ay dhanka Roobow.
Kooxda ayaa maalmahaani dambe cadaadis balaaran ku haysa ehelada raga ka tirsanaa Maleeshiyada ee horey khilaafka ugala dhaxeeyey Godane, ama hadda khilaafsan Abu Cubeyda.
Xabsiyada qarsoodiga ah ee Amniyaadka Al-shabaab ayaa intooda badan loo soo raray degmada Saakow, iyadoo ay qeyba badan oo ka mid ah degmadaasi ay ku xiran yihiin Saraakiil iyo Culimo badan oo kooxda ay ku tuhmayaan inay mucaaradayaan wadada mugdiga ah ee kooxda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at