Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “Gudniinka Fircooniga Waa Danbi Waana laysku Maxkamadayn Doonaa”

Xeer Ilaaliyaha Qaranka: “Gudniinka Fircooniga Waa Danbi Waana laysku Maxkamadayn Doonaa”

daajis.com:- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa sheegay in gudniinka fircooniga uu yahay danbi, layskuna Maxkamadayn doono haatan wixii ka danbeeya, waalidiintana loo qabsan doono, marka Caruurtooda ay qaabka Fircooniga u gudaan.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in xeer ilaalintu dhawaan ay fureyso Xafiis u gaar ah Haweenka, kaasoo lagu qaadi doono dacwadaha la xiriira tacadiyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed.


Waxa uu sheegay in Xafiiskaas uu ka qeyb noqon doono Xafiisyada Xeer ilaalinta, waxa uu sheegay in cid kastoo tacadi u geeysata Haweenka sharciga lala tiigsan doono.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay, in Gudniinka Fircooniga ay u aqoonsadeen fal dambiyeed, cid kasta oo sameeysana Maxkamad la horgeyn doono.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada