Dowladda Australia oo qalab daawo ugu deeqday Puntland: Sawirro

Dowladda Australia oo qalab daawo ugu deeqday Puntland: Sawirro

daajis.com:-  Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta guddoomay qalab caafimaad oo ay ugu deeqday dowladda Australia.

Qalabkaan oo ka kooban Daawooyin, Sariiro casri ah oo lagu jiifiyo bukaanada, mashiino nooca dhaliya Oxygen-ka iyo sidoo kale mashiino lagu magacaabo Dialysis Machine ahna mashiin loogu talagalay in lagu daweeyo kelyaha.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in shacabka Puntland ay baahi weyn u qabeen qalabkaan, wax badana uu ka badeli-doono daryeelka caafimaadka bulshada reer Puntland.

”Qof walba oo shaqsi ahi hayana shaqo dawladeed ama mid bulsho waxaa lagu qiimaynayaa laguna xasuusan doonaa markii uu meesha ka tago waxaa uu hayey iyo waxa uu suubiyey, Maxamed Cabaas isagoo wasiir dowle Madaxtooyo ah shaqadiisana aysan aheyn hadii uu intaas oo qalab ah keenay aad iyo aad ayuu ugu mahadsan yahay ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.


Mr. Gaas ayaa Madaxda Wasaarada Caafimaadka Dawladda Puntland ka dalbaday in qalabkaan caafimaad sida uu yahay ay ugu faa’iideeyaan shacabka reer Puntland islamarkaana gaarsiiyaan meelba meesha ay uga baahi badantahay.

“Dadka si cadaalad ah waa in loo gaarsiiya oo ay isku si Puntland uga faa’iidaysato qalabkaan ayaan rajaynaynaa, gaar ahaan deegaanada fog-fog oo marar badan imkaaniyaadka dawliga ah sida ay tahay ugaarin ”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada