Video-Gabar Soomaaliyeed oo Markale Wacdaro Kadhigtay “The Voice of UK”

Video-Gabar Soomaaliyeed oo Markale Wacdaro Kadhigtay “The Voice of UK”

daajis.com:-  Gabadhaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Autumn Sharif oo 19 sano jir ah ayaa dhawaantaan waxay ka muujisay barnaamijka heesaha hirgalay dalka Ingiriiska ee loogu tartamo heesaha ee lagu magacaabo The Voice UK, gabadhaan Soomaalida ayaa maarkii ay biloowday heeskeeda waxay markiiba soo jiidatey shacbiyada badan iyadoona mid ka mid ahaa garsoorayaasha uu markiiba la dhacay codka cajiibka ah ee gabadhaas Soomaaliyeed kaas oo si deg deg ah ugu soo jeestay inuu arko qofka codka wanaagsan ee heesaaya maadaama sharciyada barnaamijkaan ay ka mid tahay inaysan garsoorayaasha aysan arkin aysan eegin qofka ilaa uu ka helo qofkaas codkiisa.

Gabadhaan Soomaalida oo wali kaalin weyn kaga jirto tartankaas ayaa la filayaa inay sidoo kale wacdaro weyn ka dhigto maalmaha soo socdo markaas oo barnaamijku noqon doono mid LIVE ah oo ayna dad weynuhuna ay si toos ah u soo codeyn doonaan qofka ay ka helaan codkiis iyo qaabka masraxiyadiisa.

Halkaan ka daawo Muuqaalka Autumn Sharif:



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada