Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Yemen dib dalka loogu soo celinayo

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Yemen dib dalka loogu soo celinayo

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Yemen dib dalka loogu soo celinayo, kadib markii ay dalkaas ay ka bilowdeen dagaalo iyo duqeymo, ayna ka taxadari doonto sidii loo bad baadin lahaa muwaadiniinta Soomaalida

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay inay ka war hayaan xaalada Soomaalida ku nool Yemen, waxaana uu xusay inay dowladda ay qorsheyneyso sidii dadkaas loo soo daad-gureyn lahaa.

Soomaali fara badan oo ku sugan Yemen ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaalada ka soo cusboonaaday Yemen iyo xaaladaha xasilooni dari ee dhowrkii bilood ee u dambeeyay ka jira Caasimada Sanca iyo magaalooyinka kale ee dalkaas.

“Waxaa dadka Soomaaliyeed oo ku nool dalka Yeman u sheegaynaa in ay la xiriiraan Qunsuliyaddeena Yeman si loogu fududeeyo in ay dalkooda dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ku dhowaad nus milyan ruux ay ku nool yihiin dalka Yemen, sidoo kale waxaa uu xusay inay jiraan dhalinyaro waxbarasho u jooga dalka, waxaana uu cadeeyay in dowladda ay ka fikireyso sidii dadkaas looga soo saari lahaa dalka Yemen.

Isbaheysiga dalalka Carabta ee uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa bilaabay duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen ee dalka oo dhan qabsaday, waxaana Isbaheysigan ay doonayaan inay difaacaan dowladda sharciga ah ee uu hogaaminayo Madaxweyne Abdirabbuh Mansour Hadi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada