Qof raba inuu $7 milyan ku iibsado xariggii lagu daldalay Saddaam Xuseen

Qof raba inuu $7 milyan ku iibsado xariggii lagu daldalay Saddaam Xuseen

daajis.com:- Shakhsiyaad iyo ururro ayaa la sheegay inay u kala tartamayaan sidii ay u iibsan lahaayeen xariggii loo isticmaalay daldalaadda madaxweynihii hore ee la afgambiyay ee dalka Ciraaq, Saddaam Xuseen, kaas oo la dilay sanadkii 2006.

Dadka loollanka ugu jira inay gacanta ku dhigaan xarigga ayaa waxaa ka mid ah qoys ladan oo u dhashay dalka Israel, urur diini ah oo ka dhisan Iran iyo labo ganacsato oo Reer Kuwait ah.

Waxay dhammaantood xiriir la sameeyeen ninka haya xarigga, Mawafaq Al-Rubayci, oo horey u ahaan jiray la taliye dhinaca amniga qaranka muddadii u dhaxeysay 2004 iyo 2009.

Rubayci oo Shiico ah ayaa xarigga ku doonaya lacag ka badan 7-da milyan ee doollar ee loo soo bandhigay.

Wuxuu sarkaalkan goobjoog ahaa maalintii la daldalay Saddaan oo haatan laga joogo siddeed sano.

Saddaam ayaa markii la daldalay kaddib lagu aasay magaalada Auja, oo uu ku dhashay, taas oo caasimadda Baghdad u jirta 152 kiilomitir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada