Faah faahino ka soo baxaya weerarkii Hotelka Maka Almukarama

Faah faahino ka soo baxaya weerarkii Hotelka Maka Almukarama

daajis.com:- Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarkii gelinkii danbe ee maanta kooxo hubeysan ay ku qaadeen Hotelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho halkaasi ay ku badan yihiin Mas'uuliyiin Dowlada Federaalka Soomaaliya. 

Weerarka ayaa ku bilowday Qarax lagu dhiftay Albaabka hore ee Hotelka ka dibna waxaa gudaha Hotelka u galay Kooxihii hubeysnaa,iyagoona rasaas ka dhex bilaabay.

Inkastoo war rasmi ah laga hayin qasaaraha weerarka Hotelka ayaa hadana Wakaaladaha Wararka waxay qorayaan in ugu yaraan todobo ruux ay ku dhinteen weerarka.

Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysa Saraakiil Boolis ayaa sheegaya in Todobo ruux ay ku dhinteen weerarka,haatana Hotelka ay ku hareereysan yihiin Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.


Sida uu Reuters u sheegay Sarkaal ka tirsan Booliska Muqdisho oo lagu magacaabo Major Ismail Olow,Kooxaha hubeysan ayaa ka dagaalamayay gudaha iyo qeybta sare ee dhismaha,wuxuuna hadalkiisa intaasi raaciyay inay adkeyd in si sahal ah uga baxaan dhismaha.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday HotelkaMaka Almukarama.

"Anaga ayaa ka danbeyno weerarka lagu qaaday Hotelka Maka Al-mukarama,dagaalkana wali wuxuu ka socdaa gudaha Hotelka,” sidaasi waxaa Yiri Afhayeenka Ururka AL-shabaab Sheikh Cabdi casiis Abuu Muscab. 

Marka laga soo tago warka Shabaab ilaa iyo hada lama xaqiijin karo qasaaraha ka dhashay weerarka Hotelkama,marar badan ayaa Hotelka Maka Almukarama oo ah Hotel si aad ah looga qaxweeyo waxaa lagu qaaday Weerar Qaraxyo.
Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Dowlada ayaa goobta gaaray,waxaana gabi ahaanba xiran wadooyinka ka adhow Hotelka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada