Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Sharma-sheekh ee dalka Masar (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Sharma-sheekh ee dalka Masar (Sawirro)

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shirka Madaxda Jaamacada Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay magaalada Sharma Sheekh Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi, iyagoo kulan gaar ah wada qaatay.

Shir madaxeedka Jaamacada Carabta ayaa si gaar ah waxaa looga hadlayaa qalalaasaha Yemen iyo howl galka Sacuudiga hogaaminayo uu ka bilaabay dalkaas.

Dalalka Carabta ayaa taageero u muujiyay Sacuudiga, iyagoo badankood ku taageeray diyaarado dagaal iyo taageero kale, waxaana laga yaabaa in howl galkan uu qaato maalmo.





Dowladda Masar ayaa u diri doonta gacanka cadmeed maraakiib dagaal, si ay howl galka ka dhanka ah xuutiyiinta kaga qeyb qaataan.

Soomaaliya ayaa soo dhoweysay howl galka Sacuudiga hogaaminayo ka socda Yemen, waxaana dowladda Soomaaliya ay arrimaha Yemen kaga hadashay war saxaafadeed ay soo saartay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada