Madaxweyne Barack Obama oo ka soo Horjeestay eedeymaha Netanyahu

Madaxweyne Barack Obama oo ka soo Horjeestay eedeymaha Netanyahu

daajis.com:- Madaxweyne Barack Obama ayaa ku gacan seeray digniin uu shalay bixiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu, taasi oo ku saabsan hubka Nukliyeerka ee Iiraan.

Khudbada uu shalay ka jeediyay Netanyahu, Congress-ka Mareykanka, ayaa wuxuu ku sheegay in Iiraan ay sii ahaaneyso cadowga Mareykanka, ayna halis ku tahay bariga dhexe.

Balse Madaxweynaha dalka Mareykanka, ayaa ku gacan seeray digniintaasi uu bixiyay Ra’iisul Wasaaraha Israel, waxaana uu sheegay Madaxweyne Obama in haddaan Iiraan lala heshiin inay suuragal tahay inay dardar geliso Barnaamijkeeda Nukliyerka.

Obama, waxa kale uu sheegay in aysan jirin xal lagu dabakhi karo hadalka Netanyahu uu u jeediyay aqalka Congress-ka ee Mareykanka.

Iiraan waxa ay galaangal ku leedahay arrimaha Bariga dhexe, gaar ahaan dagaalada Suuriya, Ciraaq, Yeman iyo qalalaasaha Lubnaan, taas oo cabsi gelineysa Israa’iil oo aan dooneyn in quwad kale oo ay xakamynkarin ka ag dhalato.

Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa khudbadii uu shalay ka jeediyay aqalka Congress-ka Mareykanka waxa ay dhalisay dood badan, maadaama casuumada uu ku tagay halkaasi uu bixiyay Afhayeenka Congress-ka, isagoo aan ku wargelin xisbiga dimuquraadiga ee talada haya  iyo aqalka cad.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada