Sawirro:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Madoobe Nunow u Magacaabay Xil Wasiir

Sawirro:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Madoobe Nunow u Magacaabay Xil Wasiir

daajis.com:-  Madaxweyne  Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta waxa uu magacaabay tiro ka mid ah Golahiisa Wasiirada, iyadoona uu soo dhameystiray xubnaha Golaha Wasiirada ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Munaasabad ka dhacday Magaalada Baydhabo, ayuu Madaxweynuhu ku soo magacaabay 5 Wasiiro, 6 Wasiiru Dowlayaal iyo 29 Wasiiro Ku Xigeeno ah.

Madaxweynaha, ayaa horey u soo magacaabay 24 Wasiiro. 5-ta Wasiiro ee galabta uu soo magacaabay waxay ka dhigeysaa 29 Wasiiro.


Wasiirada la magacaabay, ayaa waxaa ku jira Madoobe Nuunow Maxamed, oo loo magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha. Madoobe Nuunow waxa uu Madaxweyne ka ahaa Maamulkii Koonfur Galbeed ee Lixda Gobol.



Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu dhaariyay Guriga Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xafladda magacaabista lagu qabtay, isagoona soo dhaweeyay jegada loo magacaabay.

Nuunow, ayaa si weyn kaga horjeeday in Maamulka Koonfur Galbeed ee Saddexda Gobol laga hirgeliyo Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada