Sirdoonka Kenya oo sheegay inay la socdaan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee Dalka Kenya

Sirdoonka Kenya oo sheegay inay la socdaan dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee Dalka Kenya

daajis.com:- Warar ka soo baxay Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegaaya in Ururka Al Shabaab ay isu diyaarinayaan weerar ay ku qaadaan Dhismaha Xarunta Baarlamaanka Kenya, waxaana shaac bixinta warkan ka dib la adkeeyay ammaanka Xarumaha Dowladdu ku lee dahay dalkaasi.

Qoraal uu soo saaray Sirdoonka Kenya, ayaa lagu sheegay in 12 nin oo la aaminsan yahay in mintidiinta ka tirsan yihiin, ay maleygayaan weerar abaabulan oo ka dhan ah Xarunta Baarlamaanka Nairobi.

Qoraalka waxaa lagu xusay in 6 ka mid ah raggaasi, ay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi, iyadoo aan la garanayn goobaha ay ku sugan yihiin 6-da nin ee kale.

Weerarka waxaa qayb ka ah gaari ay saaran yihiin walxaha qarxa, oo dagaal-yahanada Shabaabku ugu tala galeen in lagu qaado Dhismaha Baarlamaanka.

Sirdoonka Kenya, ayaa baahiyay in weerarkaasi uu isku soo duba riday nin magaciisa lagu sheegay Mohammed Mohamud, oo sheegtay masuuliyadda weerar lagu dilay toboneeyo ruux, oo 22-kii bishii November ka dhacay duleedka Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Sirdoonku wuxuu kaloo sheegay in Mohammed Mohamud uu qoys ahaan ku dhow yahay Sheekh Maxamed Dulyadeen (Gacma-dheere), oo ka tirsan Saraakiisha sar Sare ee Ururka Al Shabaab.

Jariirada The Nation oo ku hadasha afka Dowladda Kenya, ayaa tebisay in la adkeeyay ammaanka Xarumaha Dowladdu ku lee dahay dalka, sida ay ka soo xigatay Ku Xigeenka Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya General Samwel Arachi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada