Soomaali ka bar bar dagaalamayay Jabhada Al-Nusra oo ku dhintay dagaal ka dhacay Suuriya

Soomaali ka bar bar dagaalamayay Jabhada Al-Nusra oo ku dhintay dagaal ka dhacay Suuriya

daajis.com:- Soomaali ka bar bar dagaalamayay Jabhada Al-Nusra oo ka tirsan Al-Qaacida ayaa lagu dilay dalka Suuriya, kadib dagaal maalmo ka hor ka dhacay magaalada Idlib, halkaasoo ciidamada daacada u ah Bashar Al-Asad lagala wareegay.

Jabhada Al-Nusra iyo Xoogag kale oo ka mid ah kooxaha kacdoonka Suuriya ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Idlib, kadib dagaalo mudooyinkii la soo dhaafay ka dhacay halkaas.

Sida lagu shaaciyay Baraha Bulshada Abuu Khaalid Al-Soomaali oo ka yimid dalka Ingiriiska ayaa ku geeriyooday dagaal, waxaana ninkan oo aan magaciisa dhabta la sheegin horay uga qeyb qaatay dagaalo dhowr ah.

Ninkan ayaa sidoo kale horay u sheegay inuu u soo hijrooday jihaadka Suuriya, si uu uga qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah nidaamka Bashar Al-Asad, kaasoo muddo afar sano ka socda dalka Suuriya.Soomaali Al-Nusra

Jabhada Al-Nusra ayaa ah garab ka tirsan Al-Qaacida, waxaana uu ka mid yahay Ururada liiska Argagixisada uu ku daray Mareykanka, waxaana dhowaan diyaaradaha dagaalka Isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ay duqeymo la eegteen saldhigyo ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah dalka Suuriya.

Soomaali fara badan oo ka tagay wadamada reer galbeedka ayaa ku geeriyooday dagaalada Suuriya iyo Ciraaq ka socda, iyagoo ka bar bar dagaalamayay Xoogaga ISIS iyo Kooxo kale oo Islaamiyiin ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada