VIDEO:- Ciidamada Dowladda oo Lawareegay Gacan ku haynta Hoteelka Makka Al mukarama

VIDEO:- Ciidamada Dowladda oo Lawareegay Gacan ku haynta Hoteelka Makka Al mukarama

daajis.com:- War deg deg ah oo hadda ina soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay ku guuleysten inay la wareegan gabi ahaan Hotelka Maka Al mukarama oo saacado kooban ku jiray gacanta Kooxo hubeysan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladu la wareegida Hoteelka kadib ay gurmad u fidiyeen dhaawacyadii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarka, waxaana jiro meydad aan ilaa iyo hada la garaneynin waxa ay yihiin kuwaasi oo lagu hayo baaritaano lagu xaqiijinaayo waxa ay yihiin.




Inta badan Kooxahaasi ayaa dadka u gacan galay ka toogtay madaxa, halka qaarna ay u geysteen dhaawacyo culculus, inkastoo hadda loola cararay goobaha caafimaadka, waxaana jiro dhaawacyo u dhintay dhiigbax.

Ciidamada gaashaaman ayaa hada hal hal u booqanaayo qololka ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxaha weerarka qaaday, kuwaasi oo baadi goobaayo dhaawacyo haraadi ku ah gudaha Hoteelka.
Halkaan Hoose ka Daawo


Hotelkan ayaa xilliga la weeraray aheyd xilli casirka, iyadoo xilligaas ay dadka ku qaxweeyaan Hotelka oo ay degaan diblomaasiyiinta, dadka qurbaha ka yimaada iyo xildhibaanada dowladda.

Dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goordhow ay kawarbixiso Khasaaraha ka dhashay weerarka iyo qaabka uu u dhacay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada