Cabdi Wali Gaas oo Raali galin u diray Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo!!!

Cabdi Wali Gaas oo Raali galin u diray Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo!!!

daajis.com:- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo Maanta Khudbad Xasaasi ah ka horjeediyay Labada Goole ee Maamulkaasi ayaa sheegay in raali galin uu ka helay Madaxweynaha Puntiland Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas).

Siilaanyo ayaa tilmaamay in Maamulka ay Dariska yihiin ee Puntiland ay dhoor mar kaga yimaadeen dacaayado ka dhan ah Qaranimada Somaliland, waxa uuna intaa raaciyay in Madaxweynaha Puntiland uu lasoo xariiray uuna ka raali galiyay dacaayadahaasi.

''In dhawayd waxa ka imanayey Maamuul Goboleedka Puntland dacaayado ka dhan ah qarannimada Somaliland. Haddaba, in kastoo dhawaan uu ila soo xidhiidhay Madaxweynaha Puntland oo uu raali-gelin iga siiyay, waan soo dhaweynayaa raaligelintaas, Somaliland waxaa ka go’an nabad kula noolaanshaha waddamada deriska ah iyo in laska kaashado adkaynta Ammaanka'' ayuu Yiri Madaxweyne Siilaanyo.


Maamulka Puntiland ayaa dhoor mar waxa ay ku eedeeyeen Maamulka Somaliland in ay taageeraan ayna soo hubeeyaan Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama qeybo kamid ah Puntiland gaar ahaan Buuraha Galgala.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada