daajis.com:- Ninkii Soomaaliga ahaa oo Dowladda Mareykanka ay dhawaan ku dartay liiska Argagixisada ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay Magaalada Muqdisho oo ay xabsiga dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wargeyska Washington Post oo soo xiganaayo Saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka, ayaa sheegay in Liibaan Haji Mohamed uu yahay shaqsiga Mareykanka ay doon-doonayaan ee ay gacanta ku hayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Liibaan ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay Xabsi ay maamusho Dowladda Soomaaliya oo ku yaalo Magaalada Muqdisho, kadib markii ay xireen ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Liibaan Xaaji Maxamed, oo 29 jir ah ayaa dhamaadkii Bishii January 2015 waxaa lagu daray liiska dadka Mareykanka uu doon-doonayo, waxaana la ogeyn sida ugu dhaqsiyaha badan ee dib loogu celin karo dalka Mareykanka.
Liibaan oo ku noolaa Gobolka Virgina ee dalka Mareykanka, ayaa wuxuu ku shaqeysan jiray xirfada darawalnimada wuxuuna ahaa Taksiile, balse FBI Mareykanka ayaa Liibaan ku eedeysay inuu taageeri jiray Shabaab, sidoo kalena dhalinyarada uu u qori jiray.
Markii FBI-da ay ku dareysay liiska argagixisada waxaa la sheegay in Liibaan Xaaji uu qorsheynaayay inuu weeraro ka geysto meel ka mid ah dhulka Mareykanka, waxaana saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inay socdaan baaritaano la xiriira isaga iyo ragii howsha la fulin lahaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:44 and have
