daajis.com:- Qareenno ka tirsan dowladda federaalka ee Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogey afar dhallinyaro Soomaali ah kuwaasoo lagu soo eedeeyey in ay dooneyeen in ay ku biiraan ururka Daacish, oo uu Mareykanku u daray ururrada argagixisadda.
Dacwad oogayaasha ka socoday federaalka ayaa qaadiga maxkamadda ka codsaday in dhallinyarada lagu sii hayo xasbiga inta ay socoto dacwadoodu, xagga kuwa u dooddaya dhallinyarada la soo eedeeyay ay ku andacoonayaan in an la hayn wax cad ah oo aysan dambi lahayn.
Eeedeymo iyo inkiraad kaddib ayey xaakinka maxkamaddu go’aanisay in xabsiga lagu sii hayo inta ay socoto dacwadoodu, Cadnaan Faarax, Guuleed Cumar, Hanad Muuse iyo Zakariye Cabdiraxmaan.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay, in dhalinyaradaan loo haayo cadeeymo xogan oo muujinaya ineey doonayeen ineey ku biiraan kooxaha argagixisada.
In ka badan 200 oo isugu jira waalidiinta caruurta dhashay iyo Jaaliyadda Soomaaliyed ee Minnesota, ayaa goob joog ahaa maxkamadda St. Paul.
Dhalinyaradan Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay argagixisnimada, ayaa da’doodu waxay u dhaxeeysaa 19-20 sano.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:02 and have
, Published at