daajis.com:- Haweeney u dhalatay dalka Venezuela ayaa ku guuleysatay riyo aheyd in Madaxweynaha dalkaas Nicolas Maduro uu siiyo Guri, kadib markii ay fariinteeda ku gudbisay Cambe ay ku tuurtay Madaxweynaha, kaasoo ay madaxa ugu dhifatay.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Marleny Olivo ayaa cambaha ku dul-qortay taleefan lambarkeeda, waxaana ay ku tuurtay xilli Madaxweynaha uu gaari bas ku dhex waday magaalada ay degan tahay oo ku yaala bartamaha Venezuela.
Madaxweyne Maduro oo todobaadkan si toos u soo fariistay Telefishin ku yaal dalkaas waxaa uu ka sheegay fariintii Cambaha aheyd, waxaana uu sheegay in shaqaalihiisa uu ku amray inay la xiriiraan haweeneydaas Olivio oo ay dhibka ay qabto weydiiyaan, iyadoo Haweeneyda oo lama filaan ku aheyd soo wicida loo sheegay in la siiyay Guri.
Nicolas Maduro ayaa markii dambe sheegay in Cambaha uu bislaaday, waxaana uu balan qaaday inuu dhowaan cuni doono.
Dhacdadan ayaana aheyd tan ugu hadal heynta badan oo ay inta badan soo qaadanayeen warbaahinta dalka Venezuela iyo kuwa caalamka.
Madaxweynaha Venezuela Nicholas Maduro oo xilka qabtay sanadkii 2013, markii uu geeriyooday Madaxweynihii dalkaas Hugo Chavez, ayaa waxaa uu horay u ahaan jiray Darawal wada Gawaarida Baska ee ka dhex shaqeeya dalkaas.
Nicolas Maduro ayaa inta badan waxaa uu shacabka dalkiisa kula dhex maraa isagoo darawal ka ah Bas, waxaana uu booqdaa goobaha ay ku badan yihiin bulshada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:10 and have
, Published at