Wasaaradda Amniga oo digniin ka soo saartay weeraro Al-Shabaab ka geystaan goobaha Cibaadada

Wasaaradda Amniga oo digniin ka soo saartay weeraro Al-Shabaab ka geystaan goobaha Cibaadada

daajis.com:- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay damacsan yihiin sidii weeraro ay uga geysan laheyd goobaha cibaadada iyo meelaha ay bulshada isugu yimaadaan ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uu maanta Muqdisho ku qabtay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf ayuu sheegay inay heleen xog sirdoon oo sheegaya in Al-Shabaab ay doonayaan weeraro ay ku dhibaateeyaan shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

“Hey’addaha Sirdoonka waxay heleen xog ah in Al-Shabaab ama Kooxda UGUS ay doonayaan weeraro inay ka geystaan goobo aan horay dhib ugu dhicin, sida masaajidada, caafimaadka, waxbarashada iyo meelaha ay dadka rayidka isugu yimaadaan”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Waxaa uu sheegay inay shacabka ka feejignaadaan weeraradaas, waxaana uu ugu baaqay in cidii ay ka shakiyaan ay la soo xiriiraan hey’addaha Ammaanka, si looga hortago hadii weeraro ay damacsan yihiin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay xogta ay hayaan ay tahay in Al-Shabaab iyo kooxaha taageera ay qorsheynayaan weeraro ay si gaar ah uga geystaan masaajidada ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Dadka ku nool Caasimadda waxaa ugu baaqeynaa inay feejignaan muujiyaan, gaar ahaan shir qoolada ay cadawga doonayaan inay shacabka ku gumaadaan, marka waxaan muwaadiniinta ka codsaneynaa in hay’adaha amniga ay la wadaagaan Qatar kasta ay kooxaha Shabaabku maleegayaan, si looga hortago”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Hey’addaha Ammaanka dowladda ayaa horay u soo saartay digniino kala duwan oo ku saabsan weeraro Al-Shabaab ka geysan rabto Muqdisho, inkastoo aan wali hey’aduhu qaadin tallaabo ay ugu hortagayaan weerarada, hadana Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraray Hotelo, xarumo dowladeed iyo saldhigyo ciidan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada