daajis.com:- Ciidamada Cirka ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dib u celiyay diyaarad uu la socday Madaxweynaha dalka Kenya mr. Uhurro Kenyatta.
Goorta la celinaayay ayaa waxa ay diyaaradaasi kusii jeeday magaalada Dubai, waxaana loogu baaqay inay dib uga baxdo Hawada dalalka gacanka carabta kuna noqoto garoonkii ay ka soo duushay.
Qoraal ka soo baxay afhayeenka Madaxtooyada Kenya ayaa lagu sharaxay sababta keentay in madaxweynuhu dib ugu soo laabto magaalada Nairobi ee dalka kenya.
Afhayeenkii ayaa yiri:- ‘‘Kadib markii aan maqalnay warar sheegaya inuu sii siyaaday dhaq dhaqaaqii militari ee ka socday dalka Yemen ayaa waxaa Madaxweynaha lagula taliyay inuu dib u noqdo magaalada Nairobi, diyaaradii waday madaxweynaha ayaa muddo kadib dib ugu soo laabatay magaalada Nairobi.
Madaxweyne Uhuru ayaa lagu wadaa inuu magaalada Los Angeles uga qayb galo shir madaxeed looga hadli doono maalgashiga qaaradda afrika, wuxuuna isku dayi doonaa inuu ka dhaadhiciyo Ganacsatada ugu waaweyn dunida inay maal gashi ku suubsadaan dalka Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:58 and have
, Published at