daajis.com:- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Xaaji Cali Aadan oo ka tirsanaa Baarlamaankii Kmg ahaa ee Dowladdii C/laahi Yuusuf Axmed.
Niman bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay Xaaji Cali Aadan ku toogteen Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaano Cabdalla Shideeye, mar uu dhex maraayay.
Raggii dilka geystay oo aan haybtooda la garanayn ayaa waxay ka baxsadeen goobtii, Ciidamada Booliska ee gaaray goobta ayaa waxa ay ka wadaan hawlgal ay ku baarayaan dilkaasi.
Nin sheegay inuu ka’ag dhawaa goobta marxuumka uu ku sugnaa qaybta lagu iibiyo Firinjeerada, oo kaabiga ku haysa Suuqa Cabdalla Shideeyaha.
Wararka qaar waxay sheegayaan in marxuumku uu deganaa meel ku dhow qaybta Firinjeerada lagu iibiyo, halkaasoo ay ku beegsadeen raggii dilka fuliyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at